TIRO-KOOB: Leo Messi oo Ronaldo ku barbarreeyay boos uu uga sarreeyay!

0

(Yurub) 30 Dis 2018 – Labada laacib ee Leo Messi & Cristiano Ronaldo ayaa ah laba nin oo lagu yaqaano xafiiltan heer caalami ah oo dhinac kasta ah.

Labadan jookar ayaa muddo ku xafiiltamayay horyaalka La Liga Primera ee dalkaasi Spain oo ay u kala safnaayeen labada camaaliqo ee horyaalkaa inta badan ku hardama ee Real iyo Barcelona. Ha yeeshee, sanadkan waxaa ciyaartii ka baxay CR7 oo ku biiray kooxda Juventus ee ka dheesha jasiirad u ekaha Talyaaniga.

Haddaba, Messi ayaa soo qabtay Ronaldo marka dib loo eego goolasha ay hal sanad qorrexeed dhaliyeen labadooda min heer kooxeed ilaa heer qaran, kuwaasoo uu sanadkan Ronaldo markii ugu horreeysey 50 gool ka hoos maray tan iyo 2011-kii.

Hoos ka eeg sida ay 8-daa sanadood ugu kala sarreeyeen goolasha ay sanad qura dhaliyeen, 2011-2018.

Hadalsame Media