Muwaadin Soomaaliyeed oo ku guuleystay abaalmarin taariikhi ah! Muxuu ku kasbaday?

0

(London) 30 Dis 2018 – Mr. Aadan Mataan oo ah nin dhalinyaro oo Soomaali ah islamarkaana agaasime ka ah urur u dhaqdhaqaaqa kahor taga qabyaaladda ayaa magaciisu ka soo dhex muuqday 1, 148 ruux (Kun, boqol afartan iyo sideed qof ), kuwaas oo loo xushay in la guddoonsiyo abaalmarino caalami ah sanadka fooda nagu soo haya, 2019.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday barnaamijka abaalmarinta waxaana la sheegay in Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth ay gacanteeda ku guddoonsiin doonto abaalmarinta Mr. Aadan Mataan.

Mataan ayaa noqon doona muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka soo jeeda oo taarikhda nasiib u hela abaalmarin nuucaan ah. Mataan waa Aas-aasaha iyo Agaasimaha dhaqdhaqaaqa (Anti-Tribalism Movement) kaasoo ay ku mideysan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo bulshada ka wacyigaliya qabyaaladda.

“Boqorada ayaa garawsatay doorka hagar la’aaneed ee Aadan Mataan uu ka ciyaaray jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK iyo haggaajinta xiriirka dowladihii Soomaaliya soo xukumay oo uu ka ciyaaray kaalin wanaagsan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay aqalka boqortooyada Ingiriiska.

Hadalsame Media