(Tel Aviv) 30 Dis 2018 – Hooyo laba caruura leh ayaa xabsi wajahaysa iyadoo ay baarisi ku socoto waxa socdey kahor inta aanu biyo ku hafanin cunug yar oo ay dhashay iyadoo ku eedaysan inay Facebook update garaynaysay markii uu shilkaasi dhacayay.
Kayla Lynton, 23 jir, kuna nool Israel oo ay deganayd 5tii sano ee u dambaysay, ayaa lagu xirey Tel Aviv iyadoo ay booliiska maxalliga ihi baarayaan telefoonkeeda gaar ahaan muddo ‘toban daqiiqo ahayd’ oo ku xeeran xilligii ay hafatey gabadheeda yar ee Naomi oo ay u qubaynaysay.
Baby Naomi, 6 bil jir, ayaa isbitaalka loola cararay jeer ay qayb ahaan maskaxda ka dhimatay, balse waxay jir ahaan u wada dhimatay todobaad kaddib bishii Luulyo ee bartamihii sanadkan sii dhamaanaya iyadoo aan ka kicin Koomo ay gashay, sida lagu faafiyay Mirror.
Mrs Lynton, oo uu qabo nin British oo la yiraahdo Ilan Lynton oo kala noolaayeen muddada ay jirto gabadha yar ee dhimatay, ayaa iminka dibedda ku joogta lacag damiin ah oo gaareeysa 2,000-shekel oo ah lacagta Yuhuudda oo u dhiganta (£420) iyadoo sugeeysa inay ogaato inay dembi ku eedaysan tahay iyo in kale, waloow ay niyad ahaan aad uga niyad jabsan tahay shilka dhacay ee gabadheeda galaaftay, taasoo ay sababtay dayacaad dhankeeda ah, sida lagu eedeynayo.


Hadalsame Media