Faahfaahin ku saabsan weerar habeen dheelmad ah oo lagu qaday saldhig muhiim u ah ururka Al-Shabaab

0
MODAGISHU, SOMALIA - JANUARY 15: Somalian soldiers are seen during a target practice held by Turkish Armed Forces at Turkish Military Training Centre in Mogadishu, Somalia on January 15, 2018. (Photo by Volkan Furuncu/Anadolu Agency/Getty Images)

(Jilib) 30 Dis 2018 – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Howlgalkan oo dhacay xalay ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay khasaare dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarkan.

Ugu yaraan 30 dagaalame iyo 4 horjooge oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa sheegay in Saraakiisha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo horjooge oo Ajaanib ah

Magacyada horjogayaasha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka waxaa kamid ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Maleyshiyaadka fuliya isqarxinta, kuwaas oo  Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in saldhigga uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada gaar ahaan qaraxyada.

Hadalsame Media