(Boosaaso) 30 Dis 2018 – Maamulka shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekedda magaalada Boosaaso ayaa soo saaray amar cusub oo la xiriira jadwalka shaqada ee shaqaalaha ka shaqeeya dekedda magaalada Boosaaso
Amarkan ayaa lagu sheegay in wakhtiga shaqada laga dhigay Todobada Subaxnimo ilaa Kowda duhurnimo, inta laga gaarayo 15 bisha 1-aad ee sanadka cusub 2019 .
Shaqaalaha u diiwaan gashan shirkadda DP World ee ka shaqeeya dekedda magaalada Boosaaso ayaa horey u shaqeyn jiray labada gelin ee maalintii lamana oga go’aankan ay soo saaree iyo waxa uu la xiriiro.
Inkastoo amarkan lagusoo beegay xili lagu guda jiro ololaha doorashada Puntland isla markaana habacsanaan dhanka amniga laga dareemayo magaalada Boosaaso hadana dadka qaar ayaa sheegaya in amarkan ay soo saareen maamulka shirkadda DP World uu la xiriiro ciidda christmas-ka oo sanadkan cusub ay u dabaal dagaan masiixiyiinta maadama maamulka sare ee shirkadda ay ku jiraan dad masiixiyiin ah.

Xigasho: Horseed Media
Hadalsame Media