DF oo bilaabaysa dhismaha garoomada dalka (Garoonka lagu bilaabayo & taargooyinka oo la mideeynayo)

0

(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Soomaaliya ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo marti ku ahaa barnaamijka kullanka todabaadka ee ka baxa warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabahii u qabsoomay Wasaaradda sanadkaan sii dhamaanaya.

Sida lagu qoray Horseed Media, wasiir Oomaar ayaa xusay in sanadka cusub ay bilaaban doonaan qorshaha dib u dhiska garoomada Diyaaradaha Dalka qaarkood, iyadoo qorshaha koowaad uu noqon doono garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Mudane Oomaar ayaa soo hadal qaaday in Wasaaraddu ay ku mashquulsan tahay mideynta taargada gadiidka dadweynaha, islamarkaana ay isku afgarteen Maamul gobleedyada in la mideeyo taargooyinka, si bulshada Soomaaliyeed Caqabadaha ka heysta dhanka taargooyinka ay uga baxaan.

Hadalsame Media