(Garoowe) 30 Dis 2018 – Waxaa saxaafadda looga yeerey guriga Madaxwaynihii hore ee Puntland ee Dr Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole ayaa la sheegay in gurigiisa looga yeerey warbaahinta maxalliga ah.
Md Faroole oo iminka ah senatar ka tirsan Aqalka Odayada Dowladda Dhexe ee Somalia, balse ku sugan magaalada Garoowe ayaan la ogayn waxa uu ka hadli doono.
Warar hoose ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ka hadlo arrimo la xiriira doorashada Puntland, xaaladda guud ee siyaasadda Somalia iyo go’aankii ay shalay soo saartay Puntland ee xubnaha DF oo uu isagu ka mid yahay la sheegay in looga mamnuucayo gobolka Puntland inta ay doorashadu socoto, kaasoo loo arko mid gebi ahaanba khilaafsan dastuurka dhexe ee Somalia.

Hadalsame Media