DAAWO: ”Garoowe ma waxay isu rogtey meel lagaga dhawaaqo jabhado la dagaallama DF?” – Xil. Faroole

0

(Garoowe) 30 Dis 2018 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee DF ayaa ka hadlay Xaaladda doorashada Puntland iyo arrimo kale, isagoo eedo xil gudasho la’aaneed u jeediyey Madaxweyne Gaas oo uu iminka xilku kasii dhamaanayo.

Xil. Faroole ayaa Gaas ku eedeeyay inuusan meel ku sheegin sida uu yiri waxyaabihii uu uga tegey isla markaana aanu jirin hal mashruuc oo uu isagu bilaabay oo hirgalay.

Faroole ayaa Gaas ku eedeeyay in siyaasaddii deganayd ee u dhaxaysay maamullada iyo DF ay ku bedeleed ”carqalad” sida uu sheegay Faroole. ”Ciidamadii SNA qaybtii ay Puntland ku lahayd meel ku sheeg?” ayuu waydiiyey.

Faroole ayaa sheegay in sida uu yiri halkii dowladnimada iyo hoggaaminta lagaga dayan lahaa Puntland uu Gaas xaruntii maamulka ee Garoowe u bedeley meelo jabhado looga dhawaaqo oo dowladda dhexe lagala dagaallamo.

Hadalsame Media