(Kuwayt) 30 Dis 2018 – Waxaa lasoo bandhigay muuqaal ay qabatay kaamirada shirka oo toos loo arkayo biriq qabsanaysa shirka dayuurad dagaal oo nooca F/A-18 Hornet ee guuxooda ka dheereeya ee ay Soomaalidu miigga u taqaanno, waxaana la dareemayaa duuliyihii oo cabsi la gariiraya.
Muuqaalkan ayaa waxaa soo bandhigay duuliye Kuwaiti ah oo ah midka ay dayuuradiisa ku dhacday biriqdu, xilli uu hawada sare heehaabayay, iyadoo la arkayo inay biriqdu calaamad uga tagtay muraayadda yar ee uu ku dhex jiro.
Dayuuradaha casriga ah ha ahaadeen kuwa caadiga ah ee rakaabka iyo kuwa dagaalkuba waxay u diyaarsan yihiin inay u gigsadaan danabka biriqda, waloow mararka qaar ay halis wayn keeni karto haddii ay uga dhacdo meelaha ay ka jilicsan tahay sida taangiga gaaska iwm, balse dayuuradan waxaa soo gaartey waxyeello kooban.
Hadalsame Media