(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafadaha degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.
Baaritaankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay fiidkii Xaafad ka tirsan degmada Xamarwayne lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada.
Howlgalkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qabqabtay dad ka badan 40 ruux kuwaas oo badankood la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro.
Dilalka qorsheysan oo la aaminsanyahay inay ka dambeeyaan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku soo badanaya Magaalooyinka Boosaaso, Muqdisho iyo Afgooye.
Hadalsame Media