Aqalka Sare oo weli ka aamusan go’aanka Puntland

0

(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaan weli waxba ka oranin go’aan shalay kasoo baxay dhanka Puntland oo lagu sheegay in aan madaxda dowladdu halkaa iman karin inta lagu jiro doorashada Puntland.

Arrintan ayay warar hoose sheegayaan inuu Imaaraatku ku qanciyay MW Cabdiweli Gaas, kuwaasoo ay isku dhacsan yihiin dowladda Somalia.

Yeelkeede, Aqalka Sare oo lagu sheegay inuu noqon doono buundada isku xireeysa maamullada dalka iyo dowladda dhexe, jeer aysan weli jirin Maxkamaddii Dastuuriga ahayd oo ay eeddeeda leeyihiin dowladihii kala dambeeyay ee Somalia oo ay ku jirto tan iminka talisa, ayaan ilaa iminka ka hadlin go’aanka oo aan waafaqsanayn qaanuunka qaranka.

DF ee Somalia ayaa ilaa iminka canshuur ka qaadda Gobolka Banaadir oo qura, halka ay gobolladii dalka qaarkood canshuur ay bixiyaan iyo qaaraan ay dowladnimada ku darsadaan ha joogtee ay u dhaqmayaan sidii dalal madax bannaan, sida ay dad badani la guuxayaanna waa arrin u baahan in si deg deg ah loo xalliyo oo aan la fududaysan, haddii la doonayo oo ay dhab tahay in dalku hal jid wada qaado oo qarannimadii lasoo celiyo.

Hadalsame Media