DAAWO: ”Waxaan doonayaa inaan raaco raadkii KAKA!” – Lucas Paqueta

0

(Rio de Janeiro) 29 Dis 2018 – Laacibka Lucas Paqueta ee reer Brazil ayaa sheegay inuu doonayo raacitaanka raadkii Kaka ee Milan kaasoo uu ku tilmaamay ‘mid uu ku dayso’.

Paqueta ayaa si rasmi ah ugu soo biiraya AC Milan marka uu dib u furmo suuq-jiilaalka Jannaayo 1, wuxuuna xiddigga Flamengo ee khadka dhexe hoosta ka xarriiqay inuu meel sare higsanayo.

“Kaka waa laacib aan ku daydo,” ayuu ku yiri warfidiyeenkii soo xaadiray ciyaar khayri ah oo uu soo agaasimey halyeeygii Udinese ee Zico.

“Waayo qurux badan ayuu ku qaatay Milan, waxaana jeclahay inaan raadkiisa raaco, balse waxaan sidoo kale doonayaa inaan sameeyo taariikh ii gaar ah.” ayuu yiri Paqueta.

Hadalsame Media