WARBIXIN: Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo carruurta yar yar!

0

(NEW YORK) 29 Dis 2018 – Hoggaamiyaasha wadamada caalamka ayaa ku guuldareysay inay wax ka qabtaan beegsiga ku talagalka ah ee loo gaysanayo dhalaanka yar ayr gaar ahaan dalalka ay ka jiraan xasaradaha colaadeed sida, Yemen, Soomaaliya, Afganistaan, Congo, Nigeria, Suuriya iyo dalal kale oo badan, waxaa sidaas sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee carruuta UNICEF oo sii daysay warbixin sanadeedkeeda.

UNICEF ayaa ka digtay sii socoshada dhibaatada iyo beegsiga ka dhanka ah carruurta yar yar waxaana warbixinta ay diirada saartay 18 dal kuwaas oo 12-kii bilood ee la soo dhaafay tacadiyo baahansan loogu gaystay carruur yar yar.

Warbixinta ayaa shaaca looga qaaday in dhinacyada dagaalada iyo shidada ku lugta leh ay carruurta ka dhigtaan gabaad, ama ugu yaraan ayba inta hubeeyaan dagaal galiyaan, halka kuwa kalena ay baahi iyo gaajo ugu dhintaan goobaha colaadaha.

Tusaale ahaan, UNICEF ayaa sheegtay in dalka Yemen 1, 427 (Kun iyo Afar boqol iyo Labaatan iyo Todobo) carruur ah lagu dilay ama lagu weeraray.

Suuriya ayaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in sanadkaan oo kaliya lagu dilay 870 carruur ah, halka Soomaaliyana kooxaha hubeysan ay askareeyeen 1,800 carruur ah iyagoo la afduubtay 1,278 kale sida ay sheegtay UNICEF.

Hadalsame Media