Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Kaxandhaale iyo dowladda dhexe oo Ciidamo u dirtay

0

(Dhuusa-Mareeb) 29 Dis 2018 – Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u diray ciidamo deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalamayeen maalmihii la soo dhaafay.

Dagaaladdii ugu dameeyay oo dhacay shalay ayaa galaaftay nolosha 25 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaalamay

Saraakiil tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay fulinayaan Amarrka Madaxweynaha Jahmhuuriyada Fadareelka Soomaaliya iyo amarka Taliyaha Xoogga si loo qaboojiyo collaada sokeeye ee deegaanka Kaxandhaale.

Xaaladda deegaanka Kaxandhaale iyo nawaaxigiisa ayaa Maanta la sheegayaa inay degan tahay.

Dowladda dhexe ayaa la sheegay inaysan marnba u dul qaadan doonin sii socoshada dagaaladda sokeeye kuwaas oo ku saleysan qabyaalad iyo dhul kala riixasho.

Hadalsame Media