(Milano) 29 Dis 2018 – Laacibka Suso ayaa loo taagey rooso muran dhalisay, wuxuuna sidaa ku seegayaa ciyaarta Italian Super Cup oo dhex mareeysa AC Milan iyo Juventus Jannaayo 16.
Laacibkan reer Spain oo iminka uun dhaawac kasoo laabtay ayaa waxaa rooso kusoo dhoweeyay garsoorihii seeriga u sidey kulankii iminka dhamaaday ee ay 2-1 direen SPAL dhanka Serie A, isagoo qaatay laba jaalle oo dood dhaliyey.
Maadaama Supercoppa lagu tiriyo mid la hal maala Serie A oo ka baxsan Coppa Italia, wuxuu sidaa uga maqanaanayaa ciyaartaasi oo ay 16-ka Jannaayo ku ciyaarayaan Jidda, Sucuudi Carabiya.





Hadalsame Media