Muxamed Saalax oo ku gooddiyey inuu ka tegayo Liverpool haddii ay ku dhaqaaqaan arrintan!

0
Liverpool's Mohamed Salah celebrates scoring his side's third goal of the game during the Premier League match at the John Smith's Stadium, Huddersfield.

(Liverpool) 29 Dis 2018 – Jookarka reer Masar ee Muxamed Saalax ayaa sida la sheegay ku hanjabey inuu ka tegayo kooxda Liverpool ee ka dheesha Premier League, haddii kooxda lagu soo daro laacibka Carab-Israeli-ga ah ee Moanes Dabour, sida lagu faafiyay Jerusalem Post.

Waloow uu wargayska Yuhuuddu sidaa qorayo misna warar kale ayaa sheegaya inuu laacibku sheegay in aanu xaajo ka lahayn ciddi la soo saxiixanayso kooxdiisu maadaama uu yahay laacib xirfadle ah.

Saalax ayaa hadda kahor diidey inuu salaamo laacibiin Yuhuud ah mar ay kooxdiisii hore ee FC Basel ciyaar la lahayd Maccabi Tel Aviv isagoo iska dhigay nin kabaha xiranaya markii la gaarey xilligii salan wadareedka.

Hadalsame Media