(Liverpool9 29 Dis 2018 – Waxaa caawa fiidkii xilliga London kulan adag ku ballansan labada kooxood ee waawayn ee Liverpool iyo Arsenal.
Dhanka Liverpool: Liverpool ayaa safkeeda ku caaboonayn karta Fabinho iyo Naby Keita oo rajaynaya inay safka hore kasoo muuqdaan kuwaasoo dib loogu yeerey iminka. James Milner ayaa kulankan kulul ku seegaya dhaawac dhanka muruqa ah.
Dhanka Arsenal: Arsenal ayaa weli dhanka daafaca ka sheeganaysa iyadoo ay ka maqan yihiin Hector Bellerin, Konstantinos Mavropanos iyo Rob Holding.
Shkodran Mustafi ayaa isna u dhow soo noqosho kaddib dhaawac dhanka muruqa ah, balse kabtan Laurent Koscielny ayaa roon waloow uu woxoogaa ka sheeganayo cagta cagta oo ay wax uga gaareen ciyaartii Amex Stadium. Mesut Ozil ayaan u safrin Liverpool isagoo dhaawac jilibka ah ku noqday tababarka.
SAFAFKA LAGA YAABO
Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson, Wijnaldum, Keita, Henderson, Salah, Firmino, Mane.
Arsenal: Leno, Lichtsteiner, Sokratis, Koscielny, Kolasinac, Torreira, Xhaka, Guendouzi, Iwobi, Ramsey, Aubameyang.
Hadalsame Media