(Muqdisho) 29 Dis 2018 – Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo bil ah aan wax fadhi ah yeelan ayaa maanta qabsan doona mid ka mid ah kulamadiisii caadiga ahaa.
Ajandaha kulankaan oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in golaha shacabku eegi doonaan suurtagalnimada meelmarinta Miisaanidda sanadka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulamada Baarlamaanka waxaa cuuryaamiyiyay khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay guddoonka baarlamaanka waxaana khilaafkaas asal u ahaa kala diristii guddigii Maaliyadda.
Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu guulaysatay in khilaafka hoggaanka Baarlamaanka la xaliyo iyadoona dhawaan la dhisay guddi cusub oo Maaliyadeed.
Hadalsame Media