Juventus oo rikoodh cusub ka dhigtay Horyaalka Talyaaniga

0

(Torino) 29 Dis 2018 – Juventus ayaa rikoodh cusub ka dhigtay horyaalka Talyaaniga kaddib markii ay wareegga hore (andata) kusoo afjartay 53 dhibcood, kuwaasoo ah dhibcihii ugu badnaa Serie A xilligan oo kale.

Kooxda Bianconeri ayaa marti gelisey Sampdoria, waxayna kooxda Max Allegri guushii ku hantisay 2-1 oo uu wada dhaliyey CR7, taasoo ka dhigan inay ka heshay 53 dhibcood 57 oo la heli karey..

Waxay sidaa ku jebinaysaa isla rikoodh ay iyadu ka dhigtay Serie, fasalladii 2005-06 iyo 2013-14, goortaasoo ay shaqaysatay 52 dhibcood.

Marwada Gabowdey ayaa fasalkan laba jeer uun dhibco lumisay waana kulan ay gurigeeda 1-1 kula gashay Genoa Oktoobar 20, iyo kulankii kan ka horreeyay oo 2-2 la soo noqotay kooxda Atalanta maalintii Boxing Day.

Hadalsame Media