ILMO DHIIG: Dhakhaatiirta oo ku wareeray nin ay ilmadiisu dhiig tahay!

0

(Delhi) 29 Dis 2018 – Nin 22-jir ah ayaa isbitaalka loo dhigay kaddib markii la arkay isagoo dhiig ilmaynaya, balse waxaa la garan waayay wixii ku dhacay maadaama ay wax kastaahi caadi noqdeen.

Ooyin dhiigga, oo eray bixinta dhanka caafimaadka loo yaqaano haemolacria ama ilmo dhiig, ayaa waxaa keeni kara dhowr arrimood waxaana qofka indhihiisa ka imanaya dhiig caadi ah halkii ay biyo ka iman lahaayeen.

Dhakhaatiirta Andaman and Nicobar Islands Institute of Medical Sciences oo ku yaalla Hindiya ayaa ninkan u diray baaritaan dhiigga, dhanka hide sidka, caabuqyada iyo dhanka beerka ah, balse wax kasta caadi ayay kusoo noqdeen.

Sida uu qabo British Medical Journal, arrinta cudurkan haemolacria ayaa lagu sheegay mid aan sababtiisa la aqoonin (idiopathic), balse waxaa kiisaskiisa la arkaa 30%.

Hadalsame Media