(Garoowe) 29 Dis 2018 – Maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal ka kooban 7 qodob oo garab marsan dastuurka dalka u yaalla oo uu ka mid yahay qodob si cad u sheegaya in in wasiiradda xukuumada Soomaaliya aysan tagi karin Puntland.
War-Saxaafadeed oo la sheegay in ay soo saareen Guddiga Amniga balse haddii il gorgor lagu eego uu Cabdiweli Gaas kula xafiiltamayo DF ayaa muddo cayiman xayiraad dul dhigeeysa sida lagu yiri Madaxda Dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka oo aan deegaanada Puntland iman karin inta lagu guda jiro doorashooyinka oo qabsoomaya 8-da Jannaayo.
Cabdiweli Gaas ayaa sida la sheegay ka walaacsan inay Dowladda dhexe lacago ku bixiso musharrixiin uu aaminsan yahay in ay iyada la hayaan, balse wuxuu dhowaan ka yimid dibedda isagoo sida ay ilo hoose sheegayaan lacago kasoo qaatay Imaaraatka iyo ilo kale.
Waxaa haddaba la yaab leh soo laabashada dowladnimada iyo madax bannaanida qaranka lid ku ah in dalal shisheeye xaq u yeeshaan inay si muuqata u farageliyaan arrimaha gudaha dalka, halka dowladdii dalka maamulaysay cod dheer lagu sheego inay ”faragelinayso” doorashooyin ay xaq u leedahay inay kor joog ka noqoto oo wax ka qaban qaabiso, maadaama ay iyadu sharciyan xukunto dalka oo idil.
Waxaa intaa dheer, ma jiro xeer gobol siinaya awood uu ku yiraahdo waxaan gobolkeenna ka mamnuucnay Dowladda Dhexe haddii ay taasi dhacdana gobolkaasi wuxuu u dhaqmay sidii dal madax bannaan ee ma noqonayo gobolka dalka ka tirsan.
Nidaamka Federaalka lagu sheegayo ee ay Itoobiya soo dhoodhoobtay reer Galbeedkuna dhaqan gelin iyo maalgelin iskugu dareen ayaa muujinaya inuu yahay nidaam aan u danaynayn qarannimada Soomaaliya iyo danta umadda Soomaaliyeed oo ay koow ka yihiin kuwa ku dhaqan gobollada laga sameeyay federaalka beelaysan ee aan adeeg ahaan ilko lahayn ee waxba u qaban umadda ku dhaqan gobolladaas.
Yeelkeede, nimanka gobollada iskood u xukuma ee aan xeer gobol iyo mid dhexe ixtiraamin ayaa dadka masaakiinta ah ee dhacan u shidaya cajalad ah in ay dhib ku tahay haddii la helo madaxda gobollada iyo dowladda dhexe oo is fahma isla markaana wada shaqeeya, halka dadka waxgaradka ihi ay qabaan in haddii aan Federaalka noocan ah aan gebi ahaanba lagu bedelin mid nooc kale ah, ama aan laba laalin, ama aan la helin is faham ka dhex dhaca gobollada iyo dowladda dhexe aysan Somalia abidkeed dib usoo kaban doonin oo aan muddo dheer akhrin doonno warqado dib u socod ah oo tan oo kale ah oo uu nin shakhsi ihi ku danaysanayo.

Hadalsame Media