(Dhuusamareeb) 29 Dis 2018 – MW Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa DF ee Somalia ku eedeeyay inay hagardaamo ku hayso maamulkiisa, isagoo qirtay inuu laftiisu dagaal ku hayo dowladda.
Xaaf ayaa sheegay inay dowladdu degmooyinka maamulkiisa daaqadda kasoo gasho sida uu warka u yiri, isagoo sheegay in aysan dowladdu ka tala gelinin goobaha ay booqanayso.
Xaaf ayaa dhinac dowladda uga gar dhigtay, balse dhinac kale ka muujiyey eheb iyo hanjabaad ka dhan ah DF oo uu muujiyey inuusan go’aamadeeda la dhacsanayn, isagoo sheegay in aysan dowladda dhexe wax ka siinin canshuurta laga qaado Gobolka Banaadir, balse kamuu hadal wax canshuur ah oo dhankiisa ka timaada.
Dalka Somalia ayaa waxay dhibaato ka haysataa nidaamka Federaalka oo u muuqda mid aad la iskugu fahmi la’yahay ama loogu dhaqmi la’yahay sida uu u shaqeeyo.
Hadalsame Media