(Nairobi) 29 Dis 2018 – Hilinka Nation TV ee dalka Kenya ayaa muuqaal gaaban oo dokumenteri ah ka sameeyay tacaddi ay rag qurbaha ka tegaa kula kacaan hablo Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Muuqaalkan oo u eg dokumenteri horay looga baahiyay Channel 4 ayaa loogu magac daray ”Caruusaadkii dalxiiska”, kaasoo luuqad ahaan ka yara asluubaysan midkii Channel 4 oo ahaa ”Sex Tourists”.
Yeelkeede, waxa ay ka sheekaynayaan waa isku nooc oo waxay ka sheekaynayaan rag inta qurbaha ka taga aroos KMG ah u dhiga haween ku dhaqan Nairobi oo ay ugu sheekeeyaan inay dibedda u wadi doonaan, balse aysan dib ugu soo laaban.
Raggaa qaarkood ayay haweenkii la waraystay sheegayaan inay uga tageen cudurro iyo xaalad niyadeed ama dhaqaale oo aad u liidata, waxaa kale oo muuqaalkan ku jirta in ay xitaa booliiska Kenyan-ku qayb ka yihiin silsilad tumasho ah oo loogu keeno hablo degaankaasi ku nool.
Hoos ka daawo muuqaalka NTV.
Hadalsame Media