CMA CGM oo ku dhawaaqday qorshe faa’iido badan ay ugu jirto Ganacsiga Soomaaliya

0


(Shanghai) 29 Dis 2018 – Shirkadda CMA CGM oo ah mid caalami ah islamarkaana inta badan dunida u kala gudbisa allaabaha badeecooyinka ganacsiga iyadoo adeegsanaysa gadiid badeed (Maraakiib) ayaa shaaca ka qaaday inay dejisay qorshe cusub oo lagu hagaajiyay nidaamka gaarsiinta adeegyada ganacsiga dekaddaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Qorshahaan cusub ayay shirkadaan laga leeyahay dalka Faransiiska waxay sheegtay in looga dan leeyahay in sare loogu qaado hanaanka adeega iyo kalsoonida dhanka kala gudbinta ganacsiga dalalka Eeshiya (ASIA) iyo Soomaaliya.

Maraakiibta ayaa marka ay si toos ah ugu soo xirtaan dekadda Mombasa ee dalka Kenya waxay deeto si toos ah ugu soo shiraacan doonan dekkada Magaalada Muqdisho.

Markii hore ayay Maraakiibta ganacsiga ee ka yimaada dalalka Eeshiya gaar ahaan Shangahaay (Shanghai) waxay soo mari jireen dekaddo kale oo aan ahayn Mombasa.

Wareega isku socodka Maraakiibta ayaa hadda waxaa wax weyn ka bedelaya qorshahaan cusub iyadoona markabka ka soo dhaqaaqa Shanghai uu Muqdisho ku soo gaari doono muddo 32 maalmood ah.

Qorshahaan ayaa la filayaa in wax badan uu ka bedelo habsami u socodka Ganacsiga Soomaaliya oo inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ay dhib u ku qabeen iyadoona ay muddo dhowr bilood ah ku qaadan jirtay in badeecadahooda ay soo gaarsiiyaan dekadda Muqdisho.

Hadalsame Media