Amaanka Boosaaso oo la deyrinayo iyo Dilal ka dhacay saacadihii ugu dambeeyay

0

(Boosaaso) 29 Dis 2018 – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar kooxo hubeysan ay fiidnimadii xalay ka gaysteen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo sida la sheegao lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Puntland.

Ciidamada la wareeray ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen nawaaxiga shirkada Isgaarsiinta ee Golis oo u taala bartamaha Magaalada.

Weerarkan waxaa lagu dilay labo askari halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen waxaana sida wararku sheegayaan saaka halkaasi ka socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan hase ahaatee waxaa Boosaaso ku soo kordhaya dilal qorsheysan oo loo maleynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Hadalsame Media