Xisbiyo Jarman ah oo keenay hindiso soo jeedinaya in canshuur laga qaado masaajidda Jarmanka (Sabab la yaab leh!)

0

(Berlin) 28 Dis 2018 – Siyaasiyiin Jarman ah ayaa ku baaqaya in canshuur lagusoo rogo masaajidyada dalkaasi ku yaalla ee ay ku cibaadaystaan tirada sii kordhaysa ee Muslimiinta dalkaasi, si bay yiraahdeem ”masaajidda looga xireeyo” saamayn dibadeed.

Xubno ka tirsan isbahaysi ay ku midaysan yihiin ilaa 3 xisbi oo lala ah Christian Democratic Union (CDU), xisbiga ay Bavaria ka wada dhisan yihiin ee Christian Social Union (CSU) iyo Social Democratic Party (SPD) ayaa wada taageersan mubaadaradan.

Thorsten Frei, oo xubin ka ah xisbiga siyaasad ahaan muxaafidka ah ee CDU ayaa war u siiyay wargayska Jarmanka ah ee Die Welt u sheegay in ujeedku uu yahay in “Islaamka Jarmanku ay iska beri yeelaan faragelinta dibadeed isla markaana ay yeeshaan itijaah maxalli ah,” isagoo “canshuurta la saaray masaajidda” ku tilmaamay tillaabadii ugu muhiimsanayd ee dhankaa loo qaado.

Waxaan la fahmin waxa uu ula jeedo saaamaynta dibadeed ama qalaad iyo sidoo kale sida canshuur masaajidda la saaraa ay arrintaa u xallin karto toona.

Hadalsame Media