WAR KA JOOG! Ruushka oo Turkiga ugu baaqay inuu dibedda ka istaago Suuriya + Sawirro

0

(Moscow) 28 Dis 2018 – Dalka Ruushka ayaa Turkey usoo jeediyey inay dowladda Suuriya u daayaan inay dib u qabsato aagagga ay ka bexeen ciidamada Maraykanku, xilli ay Ankara doonaysay inay halkaasi ka xaaqdo qolyaha Kurdiga ah ee halkaa ku sugan.

Wasaarad Dibadeedka Kremlin-ka ayaa sheegay inay filayaan in dhulkaasi loo gacan geliyo ciidamada Asad, kaddib markii uu MW Donald Trump uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ciidamadiisii kala baxay halkaasi, taasoo ka yaabisay xitaa saraakiishii sare ee maamulkaasi iyadoo uu is casiley Wasiirkii Gaashaandhiggu.

Turkey ayaa sheegay inay Washington kala shaqaynayaan ka bixitaanka ciidamadooda, kaddibna ay ka ‘go’an tahay’ inay aaggaasii ka nadiifiyaan dagaalyahankii Kurdiga ee ologga la ahaa Maraykanka, waxaana durba la arkayay ciidamada Turkiga oo hoganaya xuduudda Turki-Suuriya.

Yeelkeede, ciidamada kali taliye Bashar al-Assad ayaa laftoodu isu diyaarinaya inay aaggaasi dib ula wareegaan, afhayeenadda Wasaarad Dibadeedka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa in haddii ay ciidamada Maraykanku baxaan in cidda qura ee dhulkaa xaq u lihi ay tahay ciidamada Suuriya sida uu qabo Xeerka Caalamiga ihi.

Hadalsame Media