WAR CUSUB: Imaaraatka oo sheegay inay dib u furanayaan safaaraddoodii Dimishq

0
UAE's embassy in Damascus reopens.

(Dimishq) 28 Dis 2018 – Dalka Imaaraatka Carabta ayaa dib u furanaya safaaradoodii magaalada Dimishq kaddib 7 sanadood oo ay diblomaasiyad ahaan ka maqnaayeen halkaasi wax loo arki karo isbeddel dhanka jihada diblomaasiyadeed ah, sida ay sheegtay dowladda Imaaraatku.

Safaaradda ayaa xirrayd tan iyo 2011 markaasoo ahayd goortii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suuriya oo ay ku dhinteen in ka badan 400,000 oo qofood.

Danjire horay lagama saari doono sida ay dowladda Imaaraatku u sheegtay CNN, balse dhaqaaqani waa mid ay ku doonayaan caadiyaynta xiriirka labada dal oo xumaaday.

Wakaaladda Wararka ay dowladdu leedahay ee WAM ayaa werisey, iyadoo soo xiganayso Wasaarad Dibadeedka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ”in UAE in ay dhararaan soo celinta amaankii iyo xasilloonidii” dalkaasi Suuriya.

Duwalka Khaliijka oo u nugul faragelinta Galbeedka oo ah dalalka sameeystay ayaa ka mid ahaa dalalkii taageerayay kooxaha ku kacsan nidaamka kali taliska ah ee Suuriya, iyadoo ay xaaladdu kasii dartay markii la isku dayey in la tuuro.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-12-27 16:00:15Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Hadalsame Media