(Muqdisho) 28 Dis 2018 – Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia ayaa waxaa loo sameeynayaa qayb gaar u noqon doonta shirarka iyo warsiinta warbaahinta.
Qaybtan oo ka kooban qolal gaar ah iyo qaaco ama hool wayn oo shirarku ka dhacaan ayaa lagu magacaabaa ”Gobdoon Confrence Hall” ayaa la sheegay in dhaqse dhismihiisa loo bilaabi doono sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee Madaxtooyadu.
Guud ahaan Madaxtooyada Somalia ayaa u baahan dib u dhis iyo dib u naqshadayn guud, marka uu dalku yeesho dakhli ku filan in arrintaa lagu sameeyo maadaama aysan iminka la jaanqaadi karin heer caalamiga ah ee madaxtooyooyinka dunida.

Hadalsame Media