(Hydrebad) 28 Dis 2018 – Safaaradda Somalia ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay muddo laba usbuuc ah u joogtey magaalada Hydrebad sidii ay u xallin lahayd khilaaf ay sheegtay inuu ka dhex aloosnaa ardayda wax ka barata magaalada Hyderabad.
Waxay safaaraddu sheegtay inay taasi keentay inay ardaygu u igmatay inay iyadu qaban qaabiso oo ay hormuud ka noqoto doorashada Guddoonka Urur ay ardeydu leeyihiin oo lagu magacaabo Surad, si ay kalsooni buuxda u helaan dhammaan ardeyda Somaliyeed ee ku dhaqan Hyderabad.
Waxay safaaraddu intaa raacisay in ay doorashadaasi qabsoontay Diseembar 26, 2018, taasoo ay sheegtay inuu ku guulaystey arday la yiraadho Idiriis Cusman Mire oo helay 146 cod, halka uu arday kale oo la tartamay lana yiraahdo Cabdi Kariin Cusmaan uu helay 128. Waxaa is casiley oo markii ay goobta yimaadeen inay tartamaan diidey 4 musharrax sida ay sheegtay safiiradda Somalia u joogta Hindiya Ebyan Ladane Saalax.
MURAN IYO QAADACAAD KA TIMID DOORASHADAN!
Bayaaan aya soo saareen Golaha Marjaca Surad ayaa lagu sheegay in aysan doorashadu u dhicin si daah furan isla markaana aanay sax ahayn iyagoo soo saaray 6 qodob oo u dhigan sidatan:
1 – Kadib markii aaan aragnay in la garab maray dhamaan sharciyadii iyo dastuuurkii u yaalay Guddiga doolashada ururka Surad.
2 – In la garab maray Guddigi Doorashada ee ay Ururka Surad Iyo Safarada Somalia u igmadeen Qabashada Doorashada markii la tagay goobta Doorashada.
3 – In musharrixiinta qaarkood aysan soo buuxinin sharuudihii mushraxa.
4 – In codbixiyeyaasha qaarkood aysan soo buuxinin shuruudihi laga rabay codbixiyaha.
5 – In aanan lasheegin tirada saxda ah ee codbixiyasha goobta codbixinta soo xaadiray.
6 – Qaar ka mid ah codbixiyaashii soo buuxiyay shuruudaha codbixinta in aysan codeeyn, loogana yeerin weliba ayagoo ku sugan xarunta doorashadu ka dhaceysay.
Sidaa darteed waxaa la ogeysiinayaa bulsho weynta Soomaliyeed ee ku dhaqan Hyderabad in laqaban doono Shirweyne looga tashanayo arimaha taagan, kaasoo ka dhacaya Goobta: Golden plaza ,Pillar No:48 Rethi Bowli Rd, Taariikhda : Sabti. 29/12/2018, Waqtiga : 7:00 pm.


Hadalsame Media