(Dimishq) 28 Dis 2018 – Miig ay leeyihiin ciidamada Ruushka ay micne cusub u yeelay qaabka ciyaarsiinta dayuuradaha fudud, kaddib markii uu soo baxay muuqaal laga qabtay miig ah nooca Su-30SM oo u muuqda sidii inuu gudaha usoo gelayo dayuurad nooca xamuulka ah, isagoo wax mitir ka yar u jirsaday albaabka dambe oo furan.
Muuqaalka oo ku faafay baraha bulshada Ruushka todobaadkan, ayaa la sheegay in lagu qaaday hawada Suuriya, waxaana muuqata in dayuuradda xamuulka ah oo ah Il-76 oo markaa saanad u gaysay ay woxoogaa isla ciyaareen miiggan oo gelbinayay.
Miigga ayaa aad ugu soo dhowaanaya dayuuradda iyadoo xitaa la arki karo wejiga duuliyaha, waxayna la soconaysaa qaddar daqiiqad ah, kahor inta aysan gees uga weecan iyadoo la arki karo caloosheeda.
Arrintan ayaa marka la eego sida ay u faraxsanaayeen ciidamadii ku jirey gudaha dayuuradda waxaa la dareemi karaa in la sii qorsheeyay, balse khalad yar haddii uu dhoco waa arrin sababi karta shil khatar ah.
Hadalsame Media