Ciidamada Suuriya oo markii ugu horreeysey tan iyo bilowgii dagaalka sokeeye calanka dalkaasi ka taagey gobolka Kurdiga!

0

(Manbij) 28 Dis 2018 – Dimishiq ayaa sheegtay inay ciidamo gaysey magaalada Manbij, taasoo saldhig u ahayd ismari waaga Turkiga iyo Kurdiga, xilli ay dowladda Suuriya isku fidinayso dhulalka istaraatijiga ah ee dhaca dhanka woqooyi ee ay xadka kala wadaagto Turkiga.

Malliishiyada hubaysan ee Kurdish-ka ah ee YPG ayaa Jimcahan u qayla dhaansaday dhanka Dimishq oo ay markii hore ka hor jeedeen, waxayna iyagoo Turkiga ka cabsanaya ka codsadeen inay ciidamo usoo dirto Manbij, oo u dhow xadka Turkiga, taasoo ay Ankara horay u sheegtay inay qorsheeynayso inay ka fuliso “howlgal argagixiso la diriri ah”, taasoo YPG bartilmaameed u yihiin.

Si taa looga jawaabo, Dimishq ayaa iminka sheegtay inay ciidamo gaysey woqooyiga oo ay calankeeda ka taagtey “eeryada Manbij.” War kasoo baxay abaanduulka ciidamada Suuriya ayaa lagu sheegay in ay Suuriya ka go’an tahay in ay “cagta mariso argagixisada isla markaana ka adkaato dadka kusoo duuley ee dalkeeda qabsaday” si bay yiraahdeen aan u xaqiijinno amaanka dhamaanba muwaadiniinta Suuriyaanka ah.

Suuriya ayaa u muuqata mid qiyamkeedii soo ceshanaysa iyadoo waloow Jaamacadda Carabta laga eryey 2011-kii ay misna dalalka Carabta qaarkood ay xiriirkeeda caadiyaynayaan, waxaa beri dhowayd halkaa tegey MW Suudaan Cumar Xasan, halka Imaaraatku ay sheegeen inay furanayaan safaaradoodii Dimishq.

Hadalsame Media