(Boorama) 27 Dis 2018 – Macallin Cumar Jaamac oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee magaalada Boorama, Woqooyiga Somalia, ayaa ka hadlay farriinta uu sido daraasad qarsoodi ah oo aysan ogayn inta badan umadda Soomaaliyeed oo marba cajaladdii loo shido ku mashquusha kuna marata.
Halkan ka akhriso warbixinta oo Ingiriisi ah.
Wuxuu macallinku soo qaatay daraasad uu maalgeliyey Midowga Yurub oo la yiraahdo ”Daraasadda Furfurka Qaab-dhismeedka Siyaadeed ee Somalia: Dookhyada lakala dooranayo”.
Daraasaddan ayuu ujeedkeeda oo iminka ku dhowaad wada hirgashay waxay tahay in laga hortago Somalia xooggan oo isku xiran oo dowlad dhexe oo arrimeheeda maaraysa yeelata kaddibna hal cod caalamka kula sheekeysata, iyadoo loo qaybiyay maamul-beeleedyo federaal lagu sheegay oo ay ka madax yihiin tabcanayaal han yar oo uu ujeedkoodu yahay inay umadda qabiillo iskaga hor keenaan si ay u gaaraan dano rakhiis ah oo aan xitaa berri ubadkooda anfici doonin.
Dadka caadiga ah ee Soomaalida oo u badan umad aan abaabulnayn isla markaana aan fahmi karin wax dhaafsiisan kaarka qabyaaladda ayaa deeto u kala dooda dhowrkaa danayste ee doqomada ah ee aayohooda daashadey iyagana dayacay.
ASTAAMAHA MUUJINAYA IN AJENDAHAN LAGU SHAQAYNAYO
Tusaale ahaan, Somalia waxaa muddo 12 sano sii dhaafaysa ku sugan ciidamo Afrikaan ah oo ka kala socda qaaradda Afrika oo weliba mushahar qaali ah qaata, yeelkeede, mudaddaa 12-ka sano ah lama dhisin ciidan Soomaaliyeed oo iyaga 8 jeer ka mushaar yar haddii uu ujeedku yahay soo noolaynta qarannimadii Somalia.
Arrin kale waa khilaafka ay markasta abuuraan madaxda maamul-goboleedyada oo halkii ay wax ka qaban lahaayeen gobollada ay ku magacaaban yihiin waqtiga oo idil ku dhumiya yooyootan aan micne lahayn oo ay la galaan dowladda dhexe. Kaddibna waxay ku doodaan wax u muuqda qorshe loosoo dhiibey oo ah in la farageliyo arrinta oo shir loo qabto, si ay boos u siiyaan wax lagu sheego ”dalalka daneeya Soomaaliya” balse runtii ah dalalka ka danaysta ama ku danaysta siyaasadda Somalia.
Waxaa kale oo jirta in muddo 14 sano ah uu qabyo yahay dastuurka Somalia oo lagu beddeley shirkii Imbagaati, iyadoo la diidey arrin xal noqon lahayd oo ah in la qaato Dastuurkii 1960-kii, inta laga helayo dowlad deggan oo leh hay’aad fadhiya oo shaqooyinkooda ku filan, sidaa darteed, si ku tala gal ah ayaa loo qaybeeyay dastuurka oo ay hay’ado shisheeye maalgeliyeen, beri dhowayd waxaan arkayay Mashruuc kale oo Carabta looga soo qaatay wax lagu sheegay ”Carabiyaynta Dastuurka Somalia”. Qiyaas dal dastuurkiisu mashruuc yahay?
Halkan hoose ka daawo khudbadda macallinka:
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media