(Milano) 27 Dis 2018 – Kooxda AC Milan ayaa mareeysa marxalad natiijo xumo ah oo aan dhicin tan iyo 1984-kii oo ahayd markii ugu dambay ee ay 4 kulan oo xiriir ah wax gool ah xitaa dhalin waydo. 5 kulan oo xiriir ahna ma guulaysanin.
Gennaro Gattuso ayaa iminka u muuqda nin booc ku taagan, waxaana la sheegay inay u aamusan yihiin maamulka, halka warar hoose ay sheegayaan in hay’adda Elliot ee gacanta ku haysa Milan ay guddoonsadeen inuu kooxda sii layliyo ilaa kulanka Sabtiga ee Spal, si fasaxa yar ee jiilaalka ay si wanaagsan uga baaraan degaan macallinkii bedeli lahaa Gattuso, waloow xitaa haddii la eryo ay adag tahay in la helo macallin wayn oo koox qabanayo bartamaha xilli-ciyaareedka.
YAA UGU MADAX FIIQAN MACALLIMIINTA MILAN LALA XIRIIRINAYO?
Julen Lopetegui, waa macallinkii dhaxlay xilka koox 3 Champions League oo xiriir ah hanatay, kaddib tegitaankii Zinedine Zidane iyo Cristiano Ronaldo ee Real Madrid, mana waarine waa la eryey.
Arsene Wenger oo rubuc qarni ku dhowaad kaddib ka tegey Gunners ayaa iminka kubadda u falanqeeya hilinka Bein Sports. Yeelkeede, wuu aqbali lahaa koox wayn oo soo nooleeyn u baahan sida Milan, weliba ku darso inuu yahay macallin ku xeel dheer soo saarista ciyaartooyda iyadoo ay Milan ku hubaysan tahay qaar ka mid ah da’yarta soo baxaysa sida:
Donnarumma, Romagnoli, Conti, Caldara. Calabria, Kessie, Cutrone iyo Suso, waxay khibradda Wenger gayaysiin kartaa inay Talyaaniga iyo Yurubba kasoo muuqdaan markale.
Jose Mourinho waa macallin kale iminka la heli karo, balse waxaa ku xeeran laba caqabadood, midi waa AC Milan oo hoos taalla waynaysada UEFA ee dhanka dhaqaale wanaagga sidaa darteedna aan farriqi karin lacagta badan ee uu dalbanayo layliyahan reer Portuguese, midda kalena waa inuu yahay macallin aan ku wanaagsanayn isku waddida kooxda iyo maareeynta dadka.
Leonardo Jardim waa macallinkii hore ee kooxda Ligue 1 ee AS Monaco oo natiijo xumo looga eryey bishii Nofeembar waloow uu sanadkan bilowgiisii noqday macallinka sanadka, waa macallin leh falsafad ku habboon koox mareeysa marxaladda Milan ee soo kabashada ah.
Antonio Conte wuxuu iminka ka faraxashay muran dhanka qandaraaska ah oo kala dhexeeyay maamulka with Chelsea waana xor inuu mashruuc cusub la wareego, yeelkeede, marna uma badna inuu macallinkan oo ah guuleed la hubo uu koox qabto bartamaha fasalka, haddii ay taasi dhacdana waa in la siiyey damaanad ku aaddan in boorsada loo furayo xagaaga xiga si uu xiddigaha ka tarjumaya qaab-ciyaareedkiisa usoo gato, waana arrin ay iskula dheceen Chelsea.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media