RASMI: Inter Milan oo lagu xukumay inay laba kulan ku dheesho garoon cidla ah (Ganaaxyo kale)

0

(Milano) 27 Dis 2018 – Kooxda Inter Milan ayaa lagu xukumay in ay laba kulan oo maxalli ah ku dheesho garoonka oo ay albaabbadu u xiran yihiin ka gadaal markii ay taageerayaasheedu ay cunsuriyad kula keceen laacibka Afrikaan ah ee Napoli u safta ee Kalidou Koulibaly, kaasoo laftiisa la ganaaxey.

Guddiga Cadaalladda ee Xiriirka FIGC ayaa xukumay in taageerayaasha Inter ee Curva Nord ay kulan dheeraad ah laga mamnuucay kaddib markii ay heeso cunsuriyad degaan ah kula keceen taageerayaasha Napoli, iyadoo inta badan ay cunsuriyaddii loola jeedey Koulibaly ay jihadooda kasoo yeereysey.

Taageerayaasha guud ee Nerazzurri ayaan soo xaadiri doonin labada kulan guri ee Benevento iyo Sassuolo, halka Curva Nord aysan xitaa xaadiri doonin kulanka Bologna ee Febraayo 3.

Yeelkeede, Koulibaly ayaa isagu laba kulan seegaya kaddib markii uu 5 jaalle qaatay, wuxuuna xalay roose ku qaatay kaddib markii uu si ‘kajan ah ugu sacbiyey’ garsoore Paolo Mazzoleni. Lorenzo Insigne ayaa isna loo jaray ganaax kaa la mid ah iyo weliba €10,000 oo euro, isagoo ku eedaysan in uu ‘garsooraha caayey isagoo kabtan ah’.

Hadalsame Media