(Baqdaad) 27 Dis 2018 – Ciraaq oo Mareykanka tustay in ay weli yihiin dal jira.
Kulan dhaxmari lahaa Ra’isulwasaaraha ciraaq iyo madaxweynaha Mareykanka ayaa baaqday kadib markii la isku fahmi waayay halka uu ka dhacayo.
Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho aan la shaacin ku tagay ciraaq ayaa taleefanka kula hadlay Ra’isulwasaaraha dalkaasi isaga oo weydiistay in ay ku kulmaan saldhig malatari oo mareykanku leeyahay balse Ra’isulwasaaraha Ciraaq ayaa arintaasi iska diiday.
Dhanka kale Baarlamaanka Ciraaq xubno ka tirsan ayaa booqashada qarsoodiga ah ee Donald Trump ku tilmaamay mid xadgudub ku ah qarannimada Ciraaq.
Diyaariye: Maxamed Dhoorre
Hadalsame Media