(Graoowe) 27 Dis 2018 – Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka kala kulmay wax noqon kara halbeegga heerka ay joogto taageerada xilligan loo hayo.
Md Gaas oo kasoo laabtay booqasho aan rasmi ahayn oo uu ku tegey Imaaraatka Carabka oo ay dadka eedaynayaa sheegeen inuu ka doontay lacag uu doorashada u adeegsado ayay dad badan oo iskugu ururay barxadda Garoowe ku orriyeen.
Sida ay dad goob joog ihi Hadalsame Media u sheegeen, wuxuu ujeedku markii hore ahaa inuu dadka halkaa dhoobnaa la hadlo, balse waxaa la sheegay inuu baasay kaddib markii ay ku orriyeen oo ku fooriyeen.
Doorashada madaxtinnimada Puntland ayaa ku beegan 8-da bisha soo aaddan ee Jannaayo 2019, waxaana ku hardamaya musharrixiin fara badan.
Hadalsame Media