INTER-NAPOLI: Taageere dhintay, kuwo dhaawacmay, cunsuriyad dhacday iyo Ronaldo oo taageero muujiyey! (Faahfaahin)

0

(Milano) 27 Dis 2018 – Waxaa xalay ceebi ka dhacday ciyaartii adkayd ee Inter iyo Napoli ka gadaal markii ay taageerayaasha Inter qaarkood ay aflagaaddo sinji quursi ah kula keceen daafaca madowga ah ee Kalidou Koulibaly. Ciyaarta lafteeda ayaa aad u kacsanayd iyadoo roose loo taagey isla Koulibaly iyo Insigne.

Jookarka reer Portuguese ee Cristiano Ronaldo ayaa hadabba hiillo u muujiyey Kalidou Koulibaly, wuxuuna xiddiga Juventus kusoo qoray boggiisa Instagram, sida uu ugu dhowyahay gaashaanka Senegalese-ka ah kaddib qisadan qarmuun ee ka dhacday San Siro.

“Dunida iyo kubadda cagta waxaan aalaaba doonaynaa aqoon iyo xushmad, diidney cunsuriyad, dulmi kasta iyo midab kala sooc!!!”. ayuu Ronie kusoo qoray boggiisa.

Koulibaly ayaa laftiisu ku faanay inuu jecel yahay midabka diirkiisa isla markaana muujiyey inuusan u joojinayn kuwii xalay sinjigiisa u gefeyay.

Duqa magaalada Milano, Beppe Sala, oo taageere Inter ah xalayna ciyaarta joogey ayaa isna u cudur daartay Koulibaly isagoo soo jeediyey in ay Inter kabtan ka dhigato Asamoah kulanka xiga ee soo socda, isla markaana wuxuu sheegay in uu garoonka ka bixi doono haddii ay tani markale dhacdo.

Taageere Inter ah oo 35 jir ahaa ayaa isna waxaa bannaanka garoonka ku dardaray gaari ay wateen taageerayaal Napolitan ah, kaasoo u geeriyoodey dhaawicii gaarey, waxaa kale oo bannaanka garoonka lagu toorriyeeyay 4 taageere oo Napoli ah oo ay qaar halis yihiin.

Guddiga Dishibiliinka iyo Anshax marinta Xiriirka FIGC ayay u badan tahay i nay ganaax wayn saaraan Inter, iyadoo guruubka Curva dhowr kulan laga mamnuuci karo garoonka.

View this post on Instagram

Nel mondo e nel calcio Ci vorreberro sempre educazione e rispetto. No al razzismo e a qualunque offesa e discrimination!!!

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano) on Dec 27, 2018 at 1:28am PST

Hadalsame Media