DAAWO: ”Waxaa ii hanjabey niman hubaysan oo indhaha duubtay!” – Deeqa Afro oo ka hadashay muuqaalkii muranka dhaliyey ee ay duubtay

0

(Stockholm) 27 Dis 2018 – Fanaanadda Deeqa Aadan Muuse (Afro) oo beri dhowayd soo duubtay muuqaal anshax xumo ahaa oo ka horjeeda dhaqanka suubban ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah uga hadashay waxa dhacay.

Deeqa oo waraysi siisey Weriye Dalmar la yiraahdo oo ka mid ah saxafiyiinta ku nool dalka Sweden gaar ahaan Stockholm, ayaa u muuqata qof qayb ahaan ka cudur daaranaya falkii ay ku dhaqaaqday, iyadoo qayb ahaan u muuqata qof la yaaban fal-celinta ay dadku sameeyeen, waloow ay si u qirtay inay iyadu tahay qofka sababta u ah waxa dhacay.

Deeqa Afro ayaa dhanka kale sheegtay inay jiraan dad usoo diray farriimo hanjabaado ah oo dil ah, kuwaasoo ay ka xustay laba nin oo wejigu u duubnaa oo uu midkood bastoolad haystey, waxayna sheegtay inay u gudbisey Booliiska Sweden.

Hadalsame Media