Askari Afrikaan ah oo dacwo yaab leh kusoo oogey ciidamada Britain + Sawirro

0

(London) 27 Dis 2018 – Michael Asiamah oo ah 36 askari u dhashay dalka Ghana ayaa dacwad ku soo oogay maxdada ciidamada Britian.

Askarigaan ayaa sheegay in aan loo sheegin qatarta uu qaboowgu leeyahay islamarkaana aan la siin dhar qaboowga ka celiya iyo gacmo gashi ama Gloves.

Wuxuu qeyb ka ahaa ciidamo 18 saac carbis ciidan ku sameeynayay keeymaha qaboow ee England iyada oo lagu jiro xiliga Jiilaalka oo aycimiladu aad u qaboow tahay.

Askarigaan ayaa sheegay in farahiisa aanay iminka dareen laheyn waxaana ugu wacan qaboowga Haddii uu ku guuleysto dacwada waxaa laga yaabaa in uu helo magdhaw gaaraya £150,000 oo gini.

Diyaariye: MM Dhoorre

Hadalsame Media