(Qaahira) 27 Dis 2018 – Laba madaxwayne oo soo maray dalka Masar ayaa shalay lasoo wada taagey maxkamad ku taalla Qaahira, iyadoo wax lagu tilmaamay ruwaayaddii qarniga uu madaxwaynihii hore ee Hosni Mubarak uu ku marqaati furayay dhiggiisii Mohammed Mursi oo ku eedaysan inuu ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.
Mubarak, 90 jir, ayaa maxkamadda ka ”marqaati furayey” muddo saacad iyo bar ah iyadoo maxkamadayntu ka dhacaysay xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla koonfurta Qaahira oo uu ku xiran yahay Mursi. Mubaarak oo bestii ah ayaa xirnaa dhar madmadoow isla markaana bakoorad ku tukubayeyave ayaa waxaa qolkii maxkamadda soo geliyey laba wiil oo uu dhalay oo garabka ka hayey.
Mursi isagu wuxuu xirnaa dharka maxaabiista wuxuuna dhex fadhiyey meel qafilan oo dhalo iyo bir adag lagu gadaamey, sida maxaabiista kale ee sare ee Ikhwaanul Muslimiin ee eedaysan. ”Maxkamadda iyo kiisaskuba waa wax lagu qoslo” ayuu yiri nin diidey inuu magaciisa sheego oo saluugsan cadaaladda ka iman karta meel uu Mubaarak cid kale dacwo u qabo.
Mubaarak ayaa maxkamadda ka sheegay inuu Mursi dhanka Gaza kasoo gudbiyey malliishiyaad ajnabi ah oo gaaraya ilaa 800 bishii Jannaayo 29, 2011. Eedaha kale ee Mursi loo haysto waxaa sidoo kale ka mid ah inuu basaas u ahaa dalka Qadar, ururka Xamaas iyo inuu ka shaqeeyay inay dad badani ka baxsadaan xabsiyada Masar. Mursi ayaa markii hore toogasho lagu xukumey, balse xukunkaa markii dambe waxaa lagu bedeley xabsi daa’in.
Jeer Mursi iyo Mubarak ay maxamad iskula dheggan yihiin, Sisi, oo ah madaxwaynaha xilka xoogey oo markii labaadna la doortay bishii Maarso sida uu sheegay wuxuu shalay xarigga ka jarayey mashruuc ballaaran oo guriyeeyn ah oo laga hirgelinayo magaalada Alexandria.

Hadalsame Media