(Moscow) 26 Dis 2018 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa sheegtay in Israel ay weerar cirka ah ku qaadday Suuriya iyadoo halis gelisey laba dayuuradood oo rakaab ah oo ku kala degayay Bayruut iyo Dimishq.
Ciidamada cirka Israel ayaa halis deg deg ah geliyey labadan dayuuradood ee rayidka ah, sida uu ku doodayo, Igor Konashenkov, afhayeenka Wasaaradda Difaaca dalkaasi. “Falka daandaansiga ah ee Israeli Air Force waxay khatar geliyeen laba dayuuradood oo rayid ah, markii 6 ka mid ah dayuuradohooda F-16 ay Suuriya ka weerareen dhanka hawada Lubnaan.”
Millateriga Suuriya ayaa la sheegay inaysan markiiba adeegsan gantaalaha dhul-ka-cirka ah isla markaana aanay jaam garaynin qalabka elektaroonniga ah dayuuradaha Israel “si aysan taasi u saamayn dayuuradda raydidka ah” oo uu garoonka Dimishq u wareejiyey garoon ku yaalla Khmeimim, kahor intaysan tillaabo qaadin.
Hadalsame Media