Maamulka Milan oo ka arrinsanaya macallin Gattuso (Halkee go’aanku u badan yahay?)

0

(Milano) 26 Dis 2018 – Kaddib ciyaartii 0-0 ay AC Milan kula gashay Frosinone oo noqoneeysa tii 5-aad oo xiriir ah oo aysan Milan badinin iyo tii 5-aad oo aysan gool dhalin ayay iminka diiraddu saaran tahay Gattuso.

Xaaladda ayaa iminka xasaasi ah iyadoo uu Gattuso halis ugu jiro in isla maanta la eryo, waxaana la sheegayaa inay shir ku jiraan Ivan Gazidis, Leonardo iyo Maldini.

Hal arrin oo Gattuso taageeraysa ayaa ah inaan iminka la heeynin biddaal wax ku ool ah, iyadoo macallimiinta waawayn sida Antonio Conte uusan diyaar u ahayn inuu koox qabto horyaalka bartamihiisa.

Sky Sport ayaa daboolka ka rogey in Gattuso uu kooxda sii laylin doono ilaa ugu yaraan kulanka ay AC Milan fiidka Sabtiga la leedahay Spal. Haddii uu middaa 3-da dhibcood iyo bandhig wanaagsan samayn waayo waxaa la sheegay in aan wax dambe harin. Maamulka Milan ayaa iska dhaadhiciyay inaysan iminka ku haboonayn in la qaato go’aan deg deg ah.

Hadalsame Media