INTER MILAN VS SSC NAPOLI: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Milano) 26 Dis 2018 – Waxaa caawa kulanka ugu adag todobaadka 18-aad ee Horyaalka heerka 1-aad ee Talyaaniga ku ballansan labada naadi ee Inter Milan iyo SSC Napoli.

Dhanka Inter: Asamoah ayaa soo noqonaya wuxuuna xiranayaa dadabka bidix ee daafaca, halka daanta midig ay isku hayaan Vrsaljko iyo D’Ambrosio. Khadka dhexe Vecino ayaa ka cadcad Borja Valero iyo Gagliardini. Nainggolan ciyaarahaba waa laga ganaaxey arrimo dhanka anshaxa ah dartood, mana soo fariisanayo xitaa kaydka.

Dhanka Napoli: Ancelotti waa inuu kala doortaa Ospina iyo Meret, balse kaddib bandhiggii samaa ee kulankii Spal, wiilka dambe ayaa cad cad inuu caawa ka dheelo San Siro. Allan, wuxuu safanayaa daqiiqadda 1-aadba isagoo kasoo kabtay dhabar xanuun seejiyey ciyaartii u dambaysey. Waaxda weerarka Milik oo kulankii ugu dambeeyay kooxda furtay ayaa u muuqda mid in yar ka horreeya Mertens si uu jaal ula noqdo Insigne.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 13 RANOCCHIA, 29 DALBERT, 33 D’AMBROSIO, 5 GAGLIARDINI, 20 BORJA VALERO, 87 CANDREVA, 10 LAUTARO MARTINEZ, 11 KEITA
  • 25 OSPINA, 27 KARNEZIS, 23 HYSAJ, 2 MALCUIT, 13 LUPERTO, 6 MARIO RUI, 42 DIAWARA, 30 ROG, 20 ZIELINSKI, 11 OUNAS, 9 VERDI, 14 MERTENS.

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Miranda
  • Chiriches

Hadalsame Media