Halyeey OGS oo guul ku gudey soo dhowayn cajiib ah oo ay u sameeyeen taageerayaasha Man United + Sawirro

0

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo dhowayn heer sare ah loogu sameeyay Old Trafford oo uu markii ugu horreeysey isagoo macallin
Manchester United ah soo istaagey.

Macallinkan KMG ah ayaa waxaa sacab, sawirro iyo sawaxan kusoo dhoweeyay taageerayaasha kooxdaasi oo si wacan u xusuusta jiilkii guusha ee uu isagu ka mid ahaa, kulankii Boxing Day ee ay ka faraxasheen Huddersfield Town.

Solskjaer, oo farxaddiisa celin waayay ayaa u dhooll caddeeynayay dhinac kasta oo ka mid ah Theatre of Dreams. 90 daqiiqo kaddib, taageerayaasha United waxay Solskjaer ka heleen hadiyad abaal celin ah kaddib markii uu 3-1 ku diley kooxdii martida ahayd si uu usii joogteeyo rikoodhkiisa oo ilaa iminka 100 boqol ah.

Halkan ka DAAWO sawirrada…

Hadalsame Media