”Dagaal wiil kuma dhasho!” – Xil. Mahad Salaad oo ku baaqay in la joojiyo dagaal micne darro ah oo Hiiraan ka socda

0

(Maxaas) 26 Dis 2018 – Xildhibaanka Mahad Maxamed Salaad ayaa baaq nabadeed u jeediyay maliishiyaad ku dagaallamaya agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xil. Salaad ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Xil. Salaad oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la sameeyo faragelin togan isagoo leh: ”MSidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada beElood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa.

”Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya.’ ayuu warkiisa kusoo afjaray.

Hadalsame Media