(Muqdisho) 26 Dis 2018 – Wiil uu dhalay weriye Cawil Daahir Salaad ayaa si qiira leh uga hadlay geerida aabbihii oo Sabtigii ku dhintay qarax ay soo maleegeen kooxda Al Shabaab oo ka dhacay iridda xarunta Universal ee Muqdisho oo ah halkii uu ka shaqaynayay.
Wiilka yar oo qalbiga ka ooynaya ayaa ka sheekeeyay wixii ay isaga iyo aabbihii ku wada hadleen habeenkii ugu dambeeyay oo ee uu abid dib u maqlo codka aabbihii.
”Master-ka jaamacadda waxaa kuu dhiman 8 bilood ee haddaba sii qorsheeyso wixii aad ka shaqayn lahayd” ayuu iisoo jeediyay ayuu yiri Bille Cawil Dahir.
Cawil ayaa ifka uga tegey 25 carruur ah oo sidaa ku agoontoobey aabohoodna uu ugu dhintay gacanta urur aysan jirin wax uu ka bi’iyey iyo wax nacfi ah oo ay ka heleen dilkiisa.
Hoos ka daawo.
Waxaa Diyaariyay: Abdikadir Aqaasim
Hadalsame Media