(Tel Aviv) 26 Dis 2018 – Ciidamada Xoogga Yuhuudda ayaa xaqiijiyay in sida ay yiraahdeen “lagu khasbay inay howlgeliyaan” hannaanka daafaca cirka oo ay u adeegsadeen gantaalo ah nooca lidka dayuuradaha oo lagasoo ganay dhanka Suuriya.
Dimishq ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay la xaashay wax ay ku tilmaantay “bartilmaameedyo cadaawadeed” oo uga yimid dhanka Israel.
Israel ayaa sheegatay in gantaalaha lagusoo ganay aanay wax dhibaato ah u gaysanin ciidamadooda IDF, balse tafaasiil dheeraad ah ma bixinin.
Yeelkeede, muuqaallo dhanka baraha Bulshada ah ayaa muujinaya wax u eg gantaal nooca qabtaha ah oo laga ridayo magaalada Hadera, taasoo 100 km (60 mayl) uun koonfurta ka xigta xadka Suuriya, balse waloow ay dadka maxalligu sheegayaan inay qarax wayn maqleen ma cadda waxa ay soo rideen.
Hadalsame Media