(Moscow) 26 Dis 2018 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sameeysay tijaabadii ugu dambaysay ee gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Avangard kahor inta uusan si rasmi ah u shaqa gelin, sida uu ku dhawaaqay madaxwaynaha dalkaasi Vladimir Putin.
Gantaalkan ayaa awood u leh inuu isagoo xawaare aad u dheereeya ku soconaya dhex jibaaxo hawada sare isagoo sida madaxyo halis ah, wuxuuna leeyahay saxnimo aad u badan oo dhanka shiishka ah maadaama la hagi karo.
Sida ay Moscow sheeganayso, Avangard wuxuu guuxiisa ka orod badan yahay jeer oo waa 20 Mach, wuxuuna u gigsan karaa heer kul gaaraya 2,000 decree Celsius. Waxaa la sheegay in ay gantaalaha baalistikada ah ee ABM ay ku adag tahay inay la xaalaan gantaalkan dhowrka toban sanaale ee soo aaddan.
Ruushka ayaa sheegay inuu yahay dalka ugu horreeya ee haatan haysta tiknolojiyadda gantaalkan isagoo ku faanay inuu xalliyey dhibaato dhanka kulaylka ah oo soo baxaysa marka uu gantaalkani ku dhaqaaqo xawaare aad u badan. Shiinaha iyo Maraykanka ayaa wada qorshe jawaab celin ah.



Hadalsame Media