(Baallabe) 26 Dis 2018 – Beeraleeyda Togga Baallabe ee ku beegan bariga magaalada Boosaaso ayaa ka cabanaya beerihii khudaarta oo ka ba’ay.
Ibraahin Xaaji Nuur Abkeey ayaa sheegay in laba sano kahor ay beeri kareen miro ay ka mid yihiin qaraha, batiiqa, yaanyada, baamiyaha iyo khudradda cagaaran sida bagalka iyo koostada oo aan iminka si saaxi ah u bixi karin.
Haweenayda beerta iska leh Faaduma Xasan ayaa sheegtay in ay dhibaatadu ka dhalatay abuur loo keenay qaab tijaabo ah, iyadoo xitaa qoonsi ay u qabto hay’adaha caalamiga ah markii hore diiddey inay waraysi siiso weriyeyaasha Idaacadda Daljir. Waxay sheegtay in ay bahalo ku dhalanayaan geedka eelkuna uu ka bilaabmay abuurkaa loo keenay.
Waxaa jirta arrin halis ah oo aysan inta badan ku baraarugsanayn beeraleeyda Soomaalidu, waana miraha hidde-sidkooda la macmalay ee loo yaqaanno GMC (Genetically Modified Crops), kuwaasoo aan marka laga yimaado inaysan caafimaadka u roonayn sidoo kale halis ku ah dalagga kale ee dabiiciga ah ama soo jireenka ah (Traditional Crops), waxayna sharikaadka waawayn ee tiknolojiyaddaa ka lacagaystay sida Monsanto iyo Bayer ay ku dadaalaan inay dabar gooyaan miraha dabiiciga ah si ay lacago uga sameeyaan abuurka GMC.
Dalal badan oo caalamka ah sida Midowga Yurub ayaa shucuur adag ka leh, balse dalka Somalia oo wax kasta la iska soo gelin karo maadaama aysan jirin dowlad wada koontotoosha waa u baylah halistaas.
FG: Warbixinta muuqaalka ah waxaa sameeyay Radio Daljir
Hadalsame Media